Puntland:Qofkii labaad oo Cudurka Coronavirus u geeriyooday & Wasiiro laga helay

Maamulka Puntland ayaa soo bandhigay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Coronavirus,kuwaas oo baaritaan lagu sameeyey,isla markaana qaarkood laga helay Cudurka COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegay inay  korortay 24 saac ee la soo dhaafay dadka laga helayo xanuunka Covid 19,isla markaana la baaray 22 ruux , xanuunkana laga helay 8 qof oo rag ah.

Waxaa uu sheegay Wasiirka in Dadka laga helay Cudurka Coronavirus ay ka mid yihiin laba kamid ah Wasiiradda Maamulka Puntland oo xaaladooda ay tahay mid wanaagsan tahay.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in qofkii labaad uu Puntland ugu geeriyooday xarunta kaas oo ku dhintay xarunta karantiilka Garoowe.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa sheegay in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 Puntland laga diiwaan geliyay ay noqonayso 59 Halka labo qof ay u geeriyoodeen xanuunka.

Maamul Goboleedyada ka jira dalka oo ay qeyb ka tahay Soomaaliland ayaa waxaa laga diiwaangeliyaa Cudurka Coronavirus,waxaana kiisaska ugu badan laga diiwaan geliyay Maamulka Puntland.