Gudoomiyihii Ciyaaraha degmada Afgooye oo la dilay

Cabdiwali Colaad Qanyare Gaatamow ayaa Kooxo hubaysan  Caawa Salaadii Taraawiixda ka dib ku dileen degmada Afgooye.

Wararka qaar ayaa waxa ay  sheegayaan in lagu dhex dilay Masaajid ku yaala degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha  Hoose.

Gaatamow wax uu ahaa Gudoomiyaha Sports Degmada Afgooye.

Sidoo kale wax uu ahaa Ciyaar yahan Qabiir ku ah Arimaha Sportska.

Allaah U Naxariisto waxaa uu sidoo kale soo noqday Goolhayihii hore kooxda Mogdisho City Club.