Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay baaritaano ku sameyn doono tacadiyo la sheegay in ay ka dhaceen degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.
Xeerilaaliyaha Qaranka Suleymaan Maxamed Maxmuud ayaa gaaray maanta Dayniile gaar ahaan Saldhigga lagu Magacaabo Cusboole oo la sheegay in Shaqsiyaad gaar ah ay gacanta ku hayaan.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in cabasho ay ka timid dad Shacab ah oo kunool degmada Dayniile.
Waxaa uu sheegay in Saldhigaasi awood gaar ah ay maamulan jirtay, islamarkaana hadda lagu wareejiyay Ciidamo boolis ah.



