Sacuudiga oo dhisay Ciidamo la dagaallama faafitaanka Corona Virus

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa dhistay cutub boolis ah oo kormeeraya xad-gudubyada sharciyada mamnuucaya kulamada in ka badan shan qof lagu soo rogay in lagu xakameeyo faafitaanka coronavirus.

Wakaaladda wararka dawladda ee SPA ayaa sheegtay in Ciidankaan la aas aasay ka dib markii uu dalka ku faafay Cudurka Corona Virus.

Dalka Sacuudiga ayaa noqday dalkii ugu horeeyay ee Ciidamo gaar ah u tababarada ka hortaggida Cudurka Corona Virus.

Boqortooyada ayaa horay u sheegtay in kulamada noocan oo kale ah la mamnuucay waxayna sheegtay  in kuwa jebiya shuruucda sharciga ay ciqaabi doonaan.

Waxay kaloo dadka ku dhiirrigelisay inay soo sheegaan jebinta xayiraadaha.