Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan iyo Ciidanka xoogga Dalka Qeybta 27aad Guutada 5aad Ururka 39aad ayaa bilaabey howlgal ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyey dil loo geystay Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda.
Askariga ayaa xilliga la dilayay uu ku sugnaa wado ku taalla duleedka degmada Maxaas,waxaana howlgalka ay Mas’uuliyiinta iyo saraakiisha Ciidamada ku tageen deegaanka Xoor-Cadde oo u dhow Tuulada Yasooman.
Guddoomiyaha degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan Cabdi Muumin Cilmi ayaa sheegay in dilkaasi ay ka dambeeyeen Al-Shabaab,waxaana uu wacad ku maray inay gacanta kusoo dhigi doonaan dadkii ka dambeeyey dilkaas.
Ciidanka Dowladda qeybta 21aad ayaa mararka qaar waxaa ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyaan wadada xiriirisa Magaalooyinka Beledweyne iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan,iyaga oo mararka la kulma weeraro.



