Garowe-RisaalaFM- C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa maalmihii udambeeyay isku shaandheyn uu ku sameynayo Xubnaha Gollaha Xukuumadda ee Puntland.
Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in wasiiro badan ay saameysey isku shaandheynta Xukuumada cusub oo aan wali la shaacin.
Isku shaandheynta lagu sameynayo Xubnaha Golaha Xukuumada Puntland ayaa lagu sheegay sidii kor loogu qaadi lahaa shaqada maamulka Puntland, loona dar-dargelin lahaa shaqada maamulka Puntland.
Madaxweyne Gaas ayaa latashiyo la yeelanaya Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng Camey, maadaama ay sidaasi tahay sida sharciga ah, waxaana Golahan cusub aad loo saadaalinayaa in ay xubno ka noqdaan shaqsiyaad si weyn looga yaqaano gudaha Puntland.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid xaqiijin karta wasiirada laysku bedelay iyo wasiirada Shaqadooda waayey, sidaas oo kalena waxay tani noqon doonta Isku shaandheyntii ugu balaarneyd ee lagu sameeyo Wasaaraddaha maamulka Puntland.


