DHAGEYSO: Waxgarad ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda Hiiraan

Beledweyne-RisaalaFM- Waxgaradka iyo Odayaasha ku dhaqan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay ku baaqeen in la joojiyo dagaalada ka socda Galbeedka magaalada Beledweyne waliba si shuruud la’aan ah in lagu joojiyo.

Waxgaradka kulanka yeeshay ayaa waxa ay sheegeen in xilligan aanan loo baahneyn in umada lagu kor dagalamo xilli shacabka Beledweyne ay ka barakacayaan fatahaada Wabiga Shabeelle.

Taliyaha ciidanka boliiska magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan Cali Dhuux Mahad Alle oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa sheegay in iyada oo maamulka gobolka Hiiraan uu ku mashquulsan yahay samata bixinta dadka uu ku soo fatahay Wabiga Shabeelle in hadana ay wada dagaalamaan beelo wada dega Beledweyne in arintaasi ay tahay wax laga xumaado.

Dhowr jeer oo hore ayay aheyd markii sidan oo kale ay wada dagaalameen beelo walaalo ah oo wada dega Galbeedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, iyadoo uu shir dib uheshiisiin ah uu ka socdo magaalada Beledweyne.