Kooxo u hubeysan ayaa toogtay ruux ka mid ah shaqaalaha garoonka diyaaradaha Aadan cade ee magaalada muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Dilka ruuxaan ayaa yimid kadib markii isaga oo ka soo baxay Salaadii Masaajidka uu ku tukaday, ragga hubaysan oo Mooto wata ay toogten.
Dilka ayaa ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Dharkiinleey iyo degmada wadajir ee gobolka Banaadir.
Kooxaha dilka geystay ayaa la sheegaya in ay wateen mooto, ayna baxsadeen marka ay dilka geysteen.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa goobta soo gaaray ,islamarkaana halkaas ka bilaabay howlgal lagu baadi goobaayo kooxihii dilka geystay.



