Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo ururka Al-shabaab ayaa maanta waxa ay ku dagaalameen degmada Bardaale ee gobolka Baay.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ururka Al-shabaab ku la haayeen degmada Bardaale.
Taliye ku xigeenka ciidanka boliiska maamulka Koonfur Galbed Maxamed Isxaaq Xasan oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa arimahaasi ka warbixiyay.



