Tartan Orod ah oo Kismaayo loogu qabtay Naafada ku socota Baaskiilka “Sawiro”

Waxaa maanta magaalada Kismaayo lagu qabtay tartan Orad ah oo loo qabtay dadka naafada ah ee ku socda Baaskiilka.

Waxaana tartankan soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha bulshadda maamulka Jubbaland, iyadoo ay ka qeyb galeen orad yahano ka socday 5-ta xaafadood ee magaalada Kismaayo.

Tartanka loo qabtay dadka cuuryaamiinta ee ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in ay ordayeen masaafo dhan 150m.

Axmed Bisle oo ah agaasimaha Fanka, suugaanta iyo Sportska wasaaradda arrimaha bulshadda ayaa saxaafadda u sheegay in tartankan loo qabtay oradyahano ka socday 5-ta xaafadood ee Kismaayo kuwaasoo naafo ah.

Kaalinta koobaad ayaa la sheegay in ay ku guuleysatay xaafadda Calanley oo ka mid ah xaafadaha ku yaalla magaalada Kismaayo.

Ugu dambeyntii ayaa waxaa abaal marino ay ku farxaaan la gudoonsiiyay dadka naafada ah ee ka qeyb galay tartanka.

1,

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????