Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa iclaamiyay in shirweyne caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Ganacsiga iyo Maalgashiga lagu qaban doono Puntland, kaasi oo waxbadan kusoo kordhindoona kobaca dhaqaale ee dalka.
Waxaa uu sheegay in ay kasoo qeyb gali doonaan Ganacsatadda Soomaaliyeed meelwalba oo ay jooggaan iyo kuwo caalami ah si sare loogu qaado Koboca dhaqaallaha Puntland.
Dhammaan ganacsatadda Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay kasoo qeyb galaan Shirkaan oo ah Mid muhiim ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkaasi la qaban doono xagaaga soo socda.



