Maxkamada Ciidamada oo soo Afjartay Dacwadii dadka lala Xiriiriyay Qaraxii Saxafi

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa Maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwada dadkii lala xiriiriyay qaraxyadii iyo weeraradii dhacay Hoteelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho Sanadkii hore ee 2018-ka.

Maxkamadda ayaa waxaa kasoo hormuuqday labo ruux oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab,kuwaasoo wax ka abaabulay Qaraxyadii iyo weerarkii Hoteelka Saxafi ee Muqdisho.

Canshuur Cusmaan Abuukar iyo Maxamed Cali Boorow ayaa lasoo qabtay Qaraxyadii hoteelka Saxafi, waxaana dhowr maalmood socday dhageysiga dacwadda lagu soo eedeeyay dadkaan.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ayaa ku dhawaaqay in dacwada eedeysanayaasha ay intaasi ku idlaatay balse ay maxkamada dib ka soo saari doonto go’aankeeda.