
Kooxda Juventus ayaa ku biirtay naadiyada soo laabasho geesinimo ku dheehan ka sameeyaan koobka horyaalada Yurub kadib markii 3-0 ay ku xaaqeen kooxda Atletico Madrid lugta labaad wareega 16-aad ee Champion-ka waxayna kusoo baxeen 3-2 isku darka labada lug.
Cristiano Ronaldo ayaa Juventus ka caawiyay inay marxalada warega 8-aad u gudbaan asigoo sedexleey xalay dhaliyay markalana muujiyay inuu boqorka koobka horyaalada Yurub.
Haddab waxaan idiin heynaa 6-xaqiiqo oo muhiim ah ee lagu diiwaan galiyay Web-ka xiriirka kubada cagta Yurub (UEFA) iska leeyihiin:
Xaqiiqada 1-aad: Ronaldo ayaa dhaliyay sedexleydiisa 8-aad wuxuuna bar bareeyay Lionel Messi oo horey tartankan 8-Hat Trick kaga dhaliyay.
Xaqiiqada 2-aad: Ronaldo 4-ka mid ah 8 Hat trick tartankan u diiwaan gashan wuxuu dhaliyay marka la joogo bug buxda ama Knock Out-ka.
Xaqiiqada 3-aad: Ronaldo ayaa 63-gool dhaliyay tartankan heerkiisa bug baxda wuxuuna 23-gool dheer yahay cayaaryahan walbo oo kusoo xigo.
Xaqiiqada 4-aad: Juventus kaliya labo guuldaro ayay la kulantay 28-kulan ugu dambeesay Champion-ka ay garoonkeeda ku cayaartay.
Xaqiiqada 5-aad: Giorgio Chiellini wuxuu noqday cayaaryahanka 5-aad ee Juventus ah kaasi oo 500-kulan kooxdan u cayaaro.
Xaqiiqada 6-aad: Atletico Madrid ayaa ku guul dareesatay lix ka mid ah 8-kulan ugu dambeesay safar aaday Champion-ka inay gool dhaliyaan.


