Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay ku dhawaad 40 kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyo maanta ka dhacay deegaanka Goof-gaduud Buurey ee gobolka Baay, oo qiyaastii 30km u jira magaalada Baydhabo.
Qaraxan ayaa ka dhacay, suuq ay Arbaca walba isugu yimaadaan dadka deegaanka iyo reer miyiga si ay u kala iibsadaan badeecooyinka iyo xoolaha.
Suuqa Xoolaha lagu iibiyo ee deegaanka Goof-gaduud Buureey ayaa Maalinta Arbacada ah waxa uu yahay mid mashquul badan oo ganacsigiisa uu aad u kala socdo.
Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Gacma oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in miinada lagu aasay Suuqa Xoolaha lagu iibiyo ee deegaanka goof-Gaduud oo ay dad Shacab ah ku sugnaayeen,waxana uu sheegay in uu jiro khasaaro ka dhashay qaraxaas.