Dhageyso:-Khasaaraha ka dhashay qaraxyo ka dhacay Gobolka Baay oo kordhay

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay ku dhawaad 40 kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyo maanta ka dhacay deegaanka Goof-gaduud Buurey ee gobolka Baay, oo qiyaastii 30km u jira magaalada Baydhabo.

Qaraxan ayaa ka dhacay, suuq ay Arbaca walba isugu yimaadaan dadka deegaanka iyo reer miyiga si ay u kala iibsadaan badeecooyinka iyo xoolaha.

Suuqa Xoolaha lagu iibiyo ee deegaanka Goof-gaduud Buureey ayaa Maalinta Arbacada ah waxa uu yahay mid mashquul badan oo ganacsigiisa uu aad u kala socdo.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Gacma oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in miinada lagu aasay Suuqa Xoolaha lagu iibiyo ee deegaanka goof-Gaduud oo ay dad Shacab ah ku sugnaayeen,waxana uu sheegay in uu jiro khasaaro ka dhashay qaraxaas.