Dowladda Itoobiya ayaa Casuumaad ah rasmi ah u fidisay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Madaxweynaha Somaliland ayaa lagu waddaa in maalinta berri ah u safro magaalada Addis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, waxaana uu kulan la yeelan doonaa ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya.
Waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Biixi uu safar ugu baxo dalka Itoobiya tan iyo markii uu xilka qabtay Ra’iisul Wasaaraha Abiy Axmed.
Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir dhinacyo badan oo ku saabsan Ammaanka, dhaqaallaha iyo isdhexgalka Bulshadda.
Safarkaan waxaa uu kusoo beegmaya xilli bulshadda kunool degaanada maamulka Somaliland ay aaminsan yihiin in Madaxweyne Farmaajo uu ka mamnuucay Madaxda dowlad goboleedyadda in ay taggaan dalalka dariska la ah Soomaaliya.



