Ciidamada Daraawiishta Dowlad GoboleedkaJubbaland ayaa Maanta waxa ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.
Deegaanada howlgalka laga sameeyay ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Weel Maaro ee hoos yimaada degmada Afmadow oo ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxa ay Risaala u sheegeen in howlgalka inta uu socday lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab balse ay dib ka faah faahin doonaan.
Al-Shabaab dhankooda weli kama hadlin howlgalka saraakiisha jubbaland ay sheegeen inay xubno kaga dileen,hayeeshee dad ku sugan deegaano u dhow degmada Afmadow ayaa waxa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaas ay isku adeegsanayeen Ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab.
Tan iyo makii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam uu Kismaayo kaga dhawaaqay dagaalka kadhanka ah Shabaab ayaa waxaa jiray dhaq dhaqaaqyo ciidan ay wadaan Ciidamada Jubbaland,iyada oo Shabaab dhankooda ay qaadayeen weeraro ay kaga hortagaan howlgalkaas.



