Dhageyso:-Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir oo digniin u dirtay dadka Baraha Bulshada kusoo bandhiga…

Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdllaahi ayaa digniin u diray dadka Baraha bulshada soo dhigta dacwad uga socota Maxkamadaha dalka,islamarkaana lagula xisaabtami doono.

Isaga oo Warbaahinta kula hadlayay Magalada Muqdisho ayuu sheegay in marnaba aan la aqbali doonin in qof kiis dacwo ah ay maxkamad uga socoto uu hadana cadaalad ka raadiyo Baraha Bulshada,waxaaana uu sheegay in dacwadiisa ay sii socon doonto balse taasi ay ku noqoneyso kiis kale oo wax laga weeydiin doono.

Hadalka guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa kusoo aadaya xilli inta badan dadka isku qabsada kiisaska la xiriira dhulalka ay cabashadooda ku gudbiyaan Baraha Bulshada si ay dad badan u gaarto.

Lama oga waxyaabaha ka dhaqangeli doono,warkaan kasoo baxay guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir,iyada oo Bulshada Soomaaliyeed ay haatan siweyn u isticmaalaan Baraha Bulshada.