Maxaa ka soo baxay kulankii ay yeesheen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ?

Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Soomaaliya ayaa maanta waxa ay ka doodeen Hindise Sharciyeedka dhismaha Xisbiyada siyaasadeed ee dalka.

Doodda Hindise Sharciyeedka dhismaha Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka waxa ay XIldhibaanadu ku biirinayeen sharcigan aragtidooda.

xisbiyada furanaya, in shaqaallaha dowladda iyo askarta ay ka mid noqon karaan Xisbiyada, cida noqoneysa diiwaan geliyaha Xisbiyada iyo in la xadido tirada Xisbiyada uu dalku yeelan karo.

Ku simaha guddiga Arrimaha gudaha iyo amniga ee Baarlamaanka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo markii ay Xildhibaannada tallooyinkooda dhiibteen kadib ka hadlay kulanka ayaa uga mahad celiyey Mudaneyaasha Baarlamaanka tallooyinka ay dhiibteen.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka Baarlamaanka shir guddoominayey ayaa tilmaamay in ay aragtidooda ku biiriyeen sharcigan 27 xildhibaan.