Goormee ayuu Higauin dhammeystiri doonaa ku biiristiisa kooxda Chelsea?

Sida iska cad, Gonzalo Higauin ayaa ku biirri doona kooxda Chelsea, ka dib markii ay kooxaha Chelsea iyo Juventus isku afgarteen heshiis amaah ah, oo uu inta ka dhiman xilli ciyaareedkan ugu ciyaarri doono Blues.

Laacibkan ayaa London gaaray Maanta, halkaas oo uu ku dhammeystiri doono ku biiristiisa Chelsea.

Waxaa shalay macsalaameeyay ciyaartoyda kooxda Milan, maamulka kooxda iyo shaqaalaha, isagoo aanan qayb ka noqon doonin Roseneri kullanka caawa ay Genoa la ciyaarri doonaan.

Juve ayaa aqbashay heshiis amaah ah oo Higuain ugu biirayo Chelsea, waxaana kooxda Ingiriiska ka dhisan ay bixineysaa €9m si inta ka  dhiman xilli ciyaareedkan uu uga sii mid ahaado.

Marka uu dhammeysto lixda bilood ee amaahda ah, waxaa labada kooxood ay ka wada hadli doonaan qaabka uu ugu sii mid ahaanayo Blues.

Amaah kale oo dheerraad ah, in uu si toos ah ugu biirro iyo in halkaas lagu joojiyo ayaa dhammaadka xilli ciyaareedkan labada koox ka heshiin doonaan.

Maalinka Talaadada ah ee soo aaddan (Berri) ayaa la filayaa inuu dhammeystiro heshiiska uu ku noqonayo ciyaaryahanka Chelsea.