Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay dagaal Beeleedyadda

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay dagaal Beeleedyadii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacaayay qeybo k amid ah gobolada Soomaaliya gaar ahaan degaanada maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Waxaa uu sheegay in ay socdaan dadaallo lagu xalinaayo dhammaan dagaal beeleedyadda iyo Khilaafaadka beelaha Soomaaliyeed ee ka dhaca gobolada.

Waxaa uu xusay in ay hadda ku howlan yihiin sidii loo xalin lahaa dagaal beeleedyo ka taagan degaano hoos yimaada gobolka Shabeellaha dhexe sidoo kalena ay wafdi u direen maamulka Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in aan marna loo dulqaadan doonin in dagaallo ay ka dhacaan Soomaaliya, kuwaasoo ku saleysan dagaal beeleedyo.

Hadalka Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo beegmaya xilli bilihii lasoo dhaafay ay ka socdeen  degaano ku yaalla maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug dagaal Beeleedyo