Soomaaliya oo laga cabsi qabo in abaar ay ku dhufato

Warbixin dheer oo ay soo saareyn gudiiga caalamiga ah ee badbaadada ee loo soo gaabiyo magacooda IRC ayaa lagu sheegay wadamada sanadka maalmaha inaga xigaan ee 2019 laga cabsi qabo in abaar ay ku dhufato.

IRC ayaa shaxda tobanka wadan ee laga cabsi qabo in abaar ay ku dhufato soo bandhiga dhamaadka sanad kasta, waxaana ay ku baaqdaa in loo sii diyaar garoobo si lagaga gaashaanto.

Tobanka Wadan oo ay soo bandhigeen sanadkaan sii dhamaanaya ayaa waxaa kamid noqday Soomaaliya, waxa ayna sheegeen in roobab badan oo dhulka Soomaalida ka da’i jiray ay baaqdeyn taasina ay ka dhalan karto abaar xoogan.

Wadamada kale oo ay sheegeen in iyana laga cabsi qabo in ay abaar ku dhufato ayaa kala ah, Yemen,South Sudan, Afghanistan, Valanzuela, Nageria iyo Syria.

Sidaan oo kale hay’addo caalami ah ayaa ka ku baaqay in loo sii diyaar garoobo abaar Soomaaliya ku dhufato, iyaga oo ka qiyaas qaadanaya waxyaabaha sababay abaaraha kusoo laab laabtay dhulka Soomaalida.

XIGASHO: Aljazeera TV.