Burcad madow ah oo afduub kula kacay ganacsade Soomaaliyeed

South Afrika-RisaalaFM- Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxa ay maqribnimadii shalay tuulada Khaliija ee magaalada Cape Town ka afduubteen ganacsade Soomaaliyeed, kaasi oo lagu magacaabo Muxudiin Cumar.

Guddoomiyaha dhalinyarada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ayaa xaqiijiyay warkan, wuxuuna tilmaamay in afduubka uu dhacay xilli Muxudiin uu ka soo baxay shaqadiisa, kuna sii jeeday hoygiisa oo ku yaalla xaafadda Bellville.

Waxaa la sheegay in burcada Koonfur Afrikaanka ah ay dalbadeen lacag madax furasho ah oo aad u badan, sida ay inoo sheegeen qaar ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfur Afrika.

Ehelada Muxudiin ayaa waxa ay sheegeen inay aysan garaneyn xaalada uu ku sugan yihiin wiilkooda, islamarkaana ay ka walaacsan yihiin xaaladiisa nololeed, waxayna dalbadeen in laga taageero sidii Muxuddiin uu xuriyadiisa dib ugu heli lahaa.

Waa fal cusub oo khatar ah oo soo wajahay wuwaadiniinta Soomaaliyeed ee mar walba lagu naf-gooyo dalka Koonfur Afrika oo ay u shaqo iyo nolol tageen, mana muuqato ilaa iyo hadda tallaabo ay dowladda South Africa wax uga qabanayso.

Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika ayaa inta badan waxaa lagu dhaliilaa inay sheeda ka daawaneyso dhibaatooyinka loo geysto dhalinyarada Soomaaliyeed, islamarkaana aanay jirin talaabooyin ay qaaday oo arrimahaasi ay wax kaga qabaneyso.