Costa Rica oo masaafurisay Qaxooti kasoo jeeda Geeska Afrika.

Saraakiisha socdaalka ee dalka  Panama ayaa ka cabanaya dalka ay deriska yihiin ah in Costa Rica  ka dib markii la sheegay dalkaas in uu soo cayriyay kudhawaad 250 muhaajiriin ah oo ka soo jeeda  Geeska Afrika ayna u diidayn dadkaas in ay gudbaan laakiin ay ku qasbeyn in ay kusoo celiyaan dalka Panama.

 

Agaasimaha Adeegga Socdaalka Qaranka  dalka panama Javier Carrillo ayaa sheegay in ay jiraan mahaajiriinta aad u farabadan kuwasoo kasoo jeeda geeska afrika islamarkana dowladda costa rica ay sameysay dhacdo aan ku wanaagsaneyn xiriirka la dal,islamarkaana aysan jirin wax xariir ah oo ay lasoo sameynyeen ka hor inta aysan soo daad gureyn muhaajiriinta.

 

Tahriibayaasha waxay dalalka Panama, Costa Rica iyo Meksiko uga sii gudbaan dalka Maraykanka, si ay uga helaan Magangelyo Qaxootinimo .

Dowladda costa Rica ayaa horay u sheegtay in ay dib usoo celin doonto qaxootiga afrikaan ah kuwaaso doonaya in ka gudbaan  dalka maraykanka.

Inta badan qaxootiga waxay kasoo jeedaan geeska afrika waxayn u badanyihiin Soomaali .