Amaanka Mandhera iyo Wajeer oo Si Wayn Loo Adkeeyay

Dowladda kenya ayaa cabsi ka qabta in Alshabaab ay weeraro ka geystaan degmooyinka mandera  iyo wajeer ee gobolka waqooyi bari ee dalka kenya.

Amaanka guud ee wadada isku xirta degmooyinka  Mandhera iyo Wajeer ayaa si wayn loo adkeeyay si loogaga hortago weeraro ay Al shabaab la beegsato dadka rakaabka ah ee adeegsanaya wadadaasi.
Abaanduulaha ciidanka booliiska ee degmada Mandhera, Job Boronjo, ayaa sheegay in ciidamo boliis ah oo badan loo daadgureeyay goobaha muhiimka ah ee wadadaasi.
Waxuu sheegay in ciidamadaasi ay gaaf wareegi doonaan aaga wadada iyadoo tiro ciidamo ah lagu balaarin doono wadadaasi si sare loogu qaado amaankeeda.
In ka badan 300 oo askari oo ka tirsan ciidanka boliiska ayuu shegay in loo daad gurayn doono deegaankaasi laba bilood gudahood si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero argagaxisada.