DHAGEYSO: Ilka-xanaf “garsoorka dowladda kaliya ayaa ka howlgalli kara dalka”

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Abuukaate Ceydiid C/laahi Ilka-xanaf ayaa waxa uu ka hadlay heerarka garsoor ee xilligan la sheegayo in ay ka jiraan maamul goboleedyada dalka.

Waxaana uu sheegay in laa aan lakala cadeyn garsoorayaasha heerarka maamul goboleed iyo kuwa federaalka aanu jirin garsoor ka jira dalka marka laga reebo midka dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Maamul goboleedyada dalka ayaa dhowaan waxa ay magacaabeen gudoomiyaal Maxkamadaha Sare, waxaana ay sheegeen in garsoorka heerka maamul goboleedyada hada uu noqonayo mid soo dhismaya.

Dhowaan ayay aheyd markii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu magacaabay gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee maamulka Koonfur Galbeed.