Xiddiga diirada u saaran Chelsea Sergej Milinkovic-Savic ayay u badan inuu ku biiro Real Madrid ama Juventus hadii uu ka tago kooxda Lazio.
Wariyaha Talyaaniga ah ee Tancredi Palmeri ayaa shaaca ka qaaday markii la weydiiyay mustaqbalka ciyaaryahanka khadka dhexe inuu ogsoon yahay halka uu kusii jeedo.
Milinkovic-Savic ayaa ka mid ah ciyaartooyda ugu qatarsan adduunka xagaagan, iyadoo kooxo waa weyn ay isha ku hayaan xaaladiisa.
Real Madrid, Juventus, Manchester United, Manchester City iyo Paris Saint-Germain ayaa dhamaantood lala xiriirinayay 23-jirkaan.
Inkastoo Chelsea ay u muuqatay mid u suurtagal ah tahay inuu u dhaqaaqo Milinkovic-Savic, haatan wariyahaan ayaa sheegaya in Real Maadrid ama Juventus ay ku cadcadyihiin xiisihiisa.
Wararka ka soo baxaya Italy isbuucaan ayaa sheegayay inay Chelsea diyaar u tahay inay bixiso € 134m si ay ula saxiixdaan xiddiga Lazio.
Palmeri, oo sumcad weyn ku leh gudaha Italy ayaa sheegay in ay u badan tahay Milinkovic-Savic inuu u dhaqaaqo koox aan aheyn Chelsea.




