DHAGEYSO: Galmudug oo faah faahin ka bixisay dagaal ay la galeen Al-shabaab

Maamulka Galmudug ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen dagaal maanta ay kula wareegeen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa waxa uu u dhaxeeyay ururka Al-shabaab iyo ciidamada maamulka Galmudug oo garab ka helaya ciidamada AMISOM ayaa maanta waxa ay ka dhaceen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug u suura gashay in ay ka saaraan ururka Al-shabaab deegaano fara badan oo hada gacanta maamulka Galmudug ku jira.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo warbaahinta magaalada Cadaado kula hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalka ay ciidamada maamulka Galmudug kula wareegeen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo waxa ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud.