SAWIRRO: Ciidamada dowladda oo Muqdisho ku rasaaseeyay gaari aan xabada karin

Ciidamada Booliska ee ku sugan meel ku dhaw Koontaroolka Sayidka ee Magaalada Muqdisho, ayaa rasaas la dhacay gaari noociisa uu yahay kuwa aan xabada karin ee loo yaqaan (Proof), kadib markii uu isku dayay inuu maro Koontaroolka iyadoo aanan la hubin.

Ciidamada ayaa gaarigaasi ku furay rasaas, waxaana ay sababtay rasaastaasi gaari in taayarada ay kaga dhacaan oo taayarada ay fariistaan, iyadoo wadaha gaariga markii la rasaaseeyay xittaa uu ka biyo diiday inuu soo dago.

Koontaroolka gaarigaan lagu rasaaseeyay ayaa waxaa ku sugan ciidamada Booliska.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska ayaa xaqiijiyay in gaariga uu lahaa Hanti dhowraha qaranka.

Inta badan gaadiidka aan xabadaha Karin waxaa iska leh masuuliyiinta dowladda, iyo kuwa xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda Federalka Soomaaliya.