DHAGEYSO:Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo kaabiga ku haya Aadan-yabaal

Maamulka Degmada Aadan-yabaal  ayaa ka hadlay xaalada degmada Aadan-yaal ee Gobalka Shabellaha dhexe.

Gudoomiyaha degmada Aadan-yabaal ayaa sheegay in Ururka Al-shabaab  ay iska baxeen Degmada islamarkaana Ciidamada dowladda Soomaaliya inay ku dhawaadeen  degmada ayna suurtagal tahay inay galaan saacadaha soo socda.

Guddoomiyaha degmada Aadan Yabaal Maxamuud Sheekh Xasan ayaa inoo xaqiijiyay in Al-shabaab ay degmada ay ka baxeen , iyadoo aan wax dagaal ah uusan dhicin.

 

Dadka deegaanka ah ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ay  ku sugan yihiin deegaan lagu magacaabo Mabaax oo 7 km ujirta degmada Aadan Yabaal, iyadoo saakay  degmada aysan labada dhinacba aysan ku sugneyn.