Wafuud kala duwan oo gaartay magaalada Garowe (DAAWO SAWIRO)

Wafdi ka socdo beesha caalamka ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee gobolka Nugaalka waxaana lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe.

Wafdiga ayaa kala ah ­Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Michelle Cervone d’Urso, ­Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Mr Fabrizio Marcelli, ­Wasiira arrimaha dibada Itoobiya Dr Tedros Adhanom, ­Safiirka Midowga Afrika Soomaaliya Maman Sidikou. ­Wakiilka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey iyo ­Xoghayaha guud ee IGAD Maxbuub iyo Wufuud kale.

Wafuuda ayaa ku biireysay wafdiga ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee maalmahaan ku sugnaa magaalada Garowe waxayna goobjoog ka noqon doonaan hishiis dhexmaraya dowlada iyo maamulka Puntland.

12939260_979544028759752_801248936_n 12919296_979544975426324_740577349_n 12919260_979546225426199_213573809_n 12919069_979545278759627_1154043442_n 12910831_979545648759590_1768904253_n-1 12910217_979543635426458_108402477_n