Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo booqday xaruntii Maxkamadda G/Bay ”Sawiro”

Shariif Xasan Sheekh Aadan madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed iyo Wasiirka amniga ayaa kormeeray qaybo ka mid ah xarumaha dowladda  ee bur bursan.

Baarlamanka Koonfur Galbeed ayaa dhowaan ansixiyay guddiga Adeega garsoorka baarlamanka ayaa maanta xaruuntii hore ee maxakamadda gobolka Bay waxaa booqasho ku tagay madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo xubno kale oo ka tirsan.

Dhismaha Maxakamadda ayaa waxaa ka muuqadey  bur bur, Maadaama  dhoor iyo labaatankii sano ee lasoodhaafey aanay shaqeyn isla markaana helin  wax dib u dayacatir ah

Wasiirka amniga Cabdifataax Geesey oo saxaafadda la hadlayey ayaa  sheegay in u jeedka kormeerka ay la xiriirtay sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa bur bruka ka muuqda xarunta maxkamadda, waxaana uu intaa ku daray in Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu amar ku bixiyay in dib u dhis lagu sameeyo xarunta maxkamadda.

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES