DHAGEYSO: Boosaaso oo lagu soo rogey amaro dhanka amaanka ah

Guddiga nabadgalyadda ee gobalka Barri ayaa goor dhaw waxa ay soo gaba-gabeeyeen  shir gaar ah oo looga hadlayay amaanka magaalada Boosaaso.

Waxaana laga soo saaray amaro deg deg ah oo ku wajahan  xaaladda nabadgalyadda ee gobalka.

Taliyaha ciidamada boliiska ee Puntland Jeneraal Cabdirisaaq Maxamed Yuusuf (Afgaduud) ayaa sheegay in ay hayaan xogo sheegaya in dad lagu soo xiray waxyaabaha qarxa & baabuurba ay hadda ku jiraan gudaha Puntland.

Jeneraal Afgaduud wuxuu sheegay in sidaas oo kale amaro dheeraad ah lagu soo rogey magaalada Boosaaso iyo  guud ahaanba Puntland, wuxuu Digniin adag u diray Wadayaasha baabuurta, dadka Guryaha leh iyo shaqsiyaadka taageera kooxahaas  in ay la kulmi doonaan cawaaqib xun.

Ugu dambeyntiina shacabka ayuu ka codsaday in ay la shaqeeyaan ciidamada amaanka.