DHAGEYSO: Gudiga abaaraha oo ka waramay howlaha gurmadka ay wadaan

Sheekh Yuusuf Cali Ceynte oo ka mid ah xubnaha gudiga gurmadka deg dega ah ee abaaraha oo u waramay Idaacadda Risaala ee magaalada muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay howlaha haatan ay wadaan gurmadka deg dega ah halka ay u marayaan.

Waxaana uu sidoo kale sheegay dhowaan in dowladda Soomaaliya ay ku yaboohday lacag gaareysa 1 Million oo dollar, waxaana lacagtaas loogu tala galay dadka ay abaaruhu saameeyeen in lagu samata bixiyo.