Shaqaalaha gurmadka ee magaalada Kolkata ee Hindiya ayaa raadinaya dad ku dhex jira burburka buundo la dhisayay oo soo dumay, dad bas saarnaa ayaa ka mid ah.
Boliiska ayaa sheegay in ugu yaraan afar iyo toban qof ay dhinteen markii jidka oo la dhisayay uu dhumay.
Jahawareer ayaa goobta ka jira boliiska iyo askarta ayaa dadka dib u celinaya iyagoo raadinaya eheladooda.
Ugu yaraan shan iyo toban qof oo dhaawac culus ah ayaa lagu soo waramayaa in la badbaadiyay.


