Xaalad aad u kacsan ayaa maanta ka taagan xarunta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Villa Hargeysa, halkaas oo uu ka socdo muran xooggan oo ku saabsan wax ka beddelka Dastuurka dalka, arrintan waxaa  si adag uga soo horjeeda xildhibaano ka tirsan mucaaradka.

Xildhibaanada mucaaradka ayaa gudaha hoolka Baarlamaanka dhex dhigtay kuraas, iyagoo muujinaya diidmada ay u qabaan qorshaha Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee wax ka beddelka Dastuurka, waxaa ayna tallaabadan sii xoojisay xiisadda ka taagan xarunta.

Mudaneyaasha Kuraasta hor dhigtay goobta hadal jeedinta ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Faysal Wahaabi oo laga soo doorto Puntland iyo Cabdirashiid Xidig oo laga soo doorto Jubbaland.

Baraha bulshada ayaa lagu baahiyay muuqaallo muujinaya isku dhacyo dhex maray ciidanka ilaalada Villa Hargeysa iyo xildhibaano ka careysan wax ka beddelka Dastuurka, kuwaas oo is-riix-riix iyo gacan ka hadal ku lug yeeshay.

Dhanka kale, saxafiyiinta madaxa-bannaan ee ku sugan xarunta Baarlamaanka ayaa lagu wargeliyay in aan loo oggolaan doonin gelitaanka gudaha ilaa amar dambe, taasoo dhalisay walaac la xiriira hufnaanta iyo helitaanka xogta rasmiga ah.

Ilaa hadda lama oga sida uu ku dhammaan doono kulanka wadajirka ah ee maanta, iyadoo ay jirto cabsi laga qabo in xiisaddu isu beddesho fowdo ballaaran.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa maraysa marxalad xasaasi ah, waxaana indhaha lagu hayaa tallaabooyinka ay qaadi doonaan hoggaanka Baarlamaanka iyo Dowladda Federaalka.