Qarax lala beegsaday Ciiddamo Maraykanka ee ku sugan Siiriya

Sarkaal ka tirsan Milliteriga Maraykanka ayaa xaqiijiyey inay Ciiddankaasi weerar kala kulmeen Bariga dalkaasi, inkastoo uusan jirin khasaaro soo gaaray ciiddanka iyo gaadiidkii ay la socdeen.

Afhayeenka waxa uu tilmaamay in weerarkaasi oo aan toos ahayn waxa uu ka dhacay Wershadda Gaaska Dabiiciga ee KONO ee Bariga dalka Syria, isla markaanaa ay Ciiddanka ka fal-celiyeen weerarkaasi.

Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka Syria ee SANA ayaa sheegtay inuu qarax ka dhacay Wershadda Gaaska ee KONOKO oo ku taalla meel ku dhow Saldhigga ay Ciiddanka Maraykanka ku leeyihiin Gobalka Deyr Es-suur ee Bariga dalka Syria.

Milliteriga Maraykanka waxay dhowr Fariisin ku leeyihiin gudaha dalka Syria, kuwaasi oo ay ugu muhiimsan yihiin Xarumaha Shidaalka iyo Gaaska laga soo saaro ee Al-Cumar Oil iyo KONO ee magaalladda Deir Ezzor iyo Sadlhiga Al-Tanaf oo ku yaalla K/bari ee dalka Syria.

Dhinaca kale, Afhayeenka Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon, John Kirby waxa uu walaac xooggan ka muujiyey weeraradii dhawaan lala beegsaday Saldhigyada Maraykanka ku leeyihiin dalalka Syria iyo Iraq.