Hay’ad sheegtay in 8 Ruux ku dhinteen degaannada Puntland

Haya’dda Maarraynta Masiibooyinka Puntland ayaa sheegtay in khasaaro dhimasho ah iyo mid hantiyadeed uu geestay Roobabkii dhawaan ka da’ay deegannada Puntland, sidoo kalena ay ku baaba’een Xoolo farabadan

Maarreeyaha guud ee haya’dda Maarraynta Masiibooyinka Puntland Cabdullaahi Cayrow ayaa sheegay in 8 qof ay dhinteen 1500 ( kun & shan boqol) Ari ahna ay ku le’deen Roobabkii dhawaan ka da’ay deegannada Puntland

Maarreeyaha ayaa sidookale  xusay in dadka dhintay oo iskugu jira carruur & kuwo waawayn ay qaarna daad la tageen, qaybna biriq ama danab halleelay, halka kuwa-na ay liqeen oo ay ku dhaceen Goobo ay biyo fadhisteen.

Deggaannada Puntland ayaa waxaa dhawaan ka da’ay roob watay daadad xoogan, iyada oo Magaalooyinka qaar ay biyo badan fariisteen halka wadooyinka qaar ay biyaha Roobka jareen, taas oo keentay in Magaalooyinka qaar ay ka go’een in la isugu gudbo.