Puntland oo Amar ka soo saartay Boorarka & Magacyada lagu Qoro luuqadaha Qalaad

Wasaaradda Warfaafinta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa amar ku bixisay in dhammaan Qoraallada Boorarka iyo Magac-bixinta eek u qoran Afafka Qalaad loo beddelo Af-Soomaali.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Puntland, Maxamed Ciise Cismaan, ayaa lagu amray qof kasta oo doonaya in uu boor sameysto si uu u dhegsado ama goob Ganacsi furnaya  in uu isticmaalo  Afka hooyo ee Soomaaliga.

Sidoo kale Wasaaradda waxay sheegtay in ,iyada oo tixraacaysa Xeerka Ilaalinta Af-Soomaaliga, kaas oo Faafinta Rasmiga ah ku soo baxay 15 December 2020 kadib markii Golayaasha dowladdu ansixiyeen ay Amarkan soo saartay.

Hoos Akhriso Qoraal kasoo baxay xafiiska Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Puntland.