Wafdi xal raadin ah oo gaaray Magaalada Beledweyne

Wafdi u hoggaaminayo Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle Siraaji Sheekh Isaaq oo ay qeyb ka ahaayeen Xildhibaano Wasiiro iyo Santaro ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa gaaray Magalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdiga ayaa waxaa kamid ah Wasiirku xigeenka Gaashaan dhiga  Xukuumada Soomaaliya Xildhibaan Cabdi fitaax Qaasim, Wasiiru Dowlaha Cadaalada iyo Garsoorka  Yuusuf Xuseen Axmed Gama’diid,  Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan labada Gole ee Hirshabeelle, waxaana garoonka diyaaradaha Beledweyene kusoo dhaweeyay Xubno ka tirsan labada Gole ee Maamulka Hir-Shabeelle, Maamulka Gobolka Hiiraan & mas’uuliyiin kale.

Wasiirku xigeenka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya Xildhibaan Cabdi fitaax Qaasim oo hadlay ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay sidii xal looga gaari lahaa dagaal beeleedyada ka socda degaannada ku yaal duleedka Magaalada Beledweyne, isla markaana dib u heshiisiin la kala dhex-dhigo.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dagaal uusan waxba soo kordhineyn, waxaana uu ugu baaqay dhinacyada u dagaalamaya duleedka Magaalada Beledweyne inay dagaalka joojiyaan.

Saacadaha soo socda ayaa waxa la filayaa in Magaalada Beledweyne ay ka dhacaan kulamo horudhac ah oo looga arrinsanayo sidii xanad joojin loo kala dhex-dhigi lahaa labada maleeshiyo Beeleed.

Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in Wadiga ka socda dowladda Soomaaliya & Maamulka HIR-Shabeelle inay booqan doonaan degaannada lagu dagaalamay ee duleedka Beledweyne si look ala qaado labada maleeshiyo Beeleed..