Saameynta ka dhalatay dagaalka xuduudda ee Suudaan & Itoobiya

Qoxootiga reer Itoobiya ee ku sugan magaalada Khartuum ayaa sheegay tani iyo markii ay dagaallada xadka ee Suudaan iyo Itoobiya u dhaxeeya ay billawdeen loo diiday iney lacagahooda ay raashiin iyo shidaalba ku iibsadaan.

Qaar ka mid ah qoxootigaasi oo BBC u warramay ayaa sheegay iyaga oo haysta sharciga qoxootinimada ee ay bixiso hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qoxootiga ee UNHCR, ay booliska dalka Suudaan tacaddiyo badan kala kulmaan.

Dadkaasi qoxootiga ah waxay sheegeen dhibaatada iyo cadaadiska inuu ku sii batay wixii ka dambeeyey markii ay billowdeen dagaallada xuduudda ee labada dal u dhaxeeya, taasina ay ku abuurtay walwal iyo cabsi aad u badan.

Waxayna intaasi ku dareen xerada qoxootiga ee UNHCR muddo laba bilood ah marki ay dagganaayeen loo wareejiyo halka lagu qubo qashinka magaalada Khartuum oo aan nolosha ku habbooneyn.

Goobtaasi oo ay sheegeen iney ku nool yihiin 700 oo qoys oo isugu jira qoxooti ka soo kala jeeda Itoobiya, Congo, Burundi, Eritrea iyo waddama kale oo qaaradda Afrika ka tirsan.

Dadkaasi qoxootiga ah waxaa kale oo ay BBC u sheegeen dhibaatooyinka iyo xadgudubyada gudaha dalka Suudaan ku haysta iney si gaar ah u saameeyeen haweenka iyo carruurta.