Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay Dalka Moroko ayaa waxaa fatahaado ka dhashay ku dhintay 28 qof oo shaqaale warshad dharka soo saarta ah, sida ay sheegaaan wararka hordhaca ah ee soo baaxaya.
Shaqaalaha gurmadka ayaa 10 qof ka badbaadiyeen warshaddii, iyada oo Samatabbixiyeyaashu kuwa kale ka baadi goobaya go’doonka daadadka lama filaanka ah.
Tirada guud ee shaqaalaha goobta ayaanan si rasmi ah loo ogeyn, waxaana bilawday baaritaano lagu raadinayo tirada goobta ku sugneyd ee masiibadu ku dhacday.
Haweeney laga soo badbaadiyay goobta ayaa u sheegtay wargayska TanjaNews, in aysan jirin cid u diyaar garowday daadadkaan halista ah.
“Ma jirin wax laga walwalo. Waxaan u shaqeynaynay sidii caadiga ahayd, ”ayay tiri haweeneyda. “Kadibna maadaama roob da’ayay, sidaad aragtay biyuhu waxay bilaabeen in ay soo galaan goobta” ayaa ay tiri.
Warshado badan oo ku yaal Marooko, gaar ahaan Casablanca iyo Tangier, ayaa samaya xifaaltan ka dhan ah Wax soo saarka wadamada Shiinaha iyo Turkiga, si ay u soo saaraan dhar qiima ka jaban kan ay u dhoofiyaan.
Dhibataadan ka dhacday dalka moroko ayaan ilaa iyo hadda wax war ah kasoo bixin dowlada dalkaasi.



