Ciidamada PSF-ta Puntland ayaa howlgal ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ka fuliyay degaanada Muguc iyo Ceel Onkod ee buuraha Cal Madow ee Gobolka Bari.
Hawlgalka ayaa Saraakiisha hoggaamineysa waxaa ay sheegeen in ujeedkiisa uu yahay sidii loo afjari lahaa xubno ka tirsan Al-Shabaab oo miinooyin iyo qaraxyo ku aasa wadada isku xirta Sugure, Balikhadar iyo buuraha Galgala ee gobolka Bari.
Saraakiisha Saraakiisha sheegay in Howlgalka intii uu socday in ciidanka u suurta gashay in ay gacanta ku soo dhigaan xubno lagu tuhmayo in ay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab, waxaana howlgalka uu ku soo dhammaady sidii loogu talo galay.
Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ciidanka Puntland ay sameeyeen ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo daacish oo mararka qaar iyo weeraro ka fuliya degaannada Puntland.



