Kulan ayaa Muqdishu uga socda Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif iyo Cali Mahdi.
Shirkaan oo socda hoyga uu Muqdisho ka degan yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi ayaa looga hadlaya xaalada dalka iyadoo shir albaabada u xiran yihiin.
Qaar ka mid ah dadka kunool degmooyinka ay soo mareen Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegaya in ay galbinaayeen sodameeyo kolonyo isugu jirtay gaadiidka dagaalka iyo kuwa aan xabadaha karin oo kaga yimid dhanka hoyga ay degan yihiin oo ku yaalla Garoonka diyaaradaha.
Madaxda Farmaajo ayaa waxaa dhamaaday muddo xileedkii loo igmaday in uu dalka hoggaamiyo, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Madaxdii hore ay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed.



