Chelsea ayaa ceyrisay tababare Frank Lampard ka dib 18 bilood oo uu leylinayay kooxda, iyadoo la filayo inuu bedelo tababarihii hore ee Paris St-Germain Thomas Tuchel.
Lampard, oo 42 jir ah, ayaa ka tagaya kooxda oo kusgan kaalinta sagaalaad ee Premier League ka dib guuldaradii isbuucii hore ka soo gaartay Leicester City, isagoo badiyay hal jeer shantii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka.
Kulankiisii ugu dambeeyay wuxuu ahaa kulankii axada shalay 3-1 FA Cup wareega afaraad kooxdiisa ay kaga adkaadeen Luton.
Lampard waxaa loo magacaabay shaqada markii laga ceyriyay Maurizio Sarri Stamford Bridge bishii July 2019.isagoo saxiixay qandaraas seddex sano ah.
Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Chelsea ayaa ku hogaamiyay kooxdiisa kaalinta afaraad iyo finalka FA Cup xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee kooxda, iyo guushii 3-1 ee ay ka gaareen Leeds horaantii bishii Diseembar ay kooxda ka dhigtay inay hogaanka u qabtaan Premier League.
Si kastaba ha ahaatee, Blues ayaa la kulantay shan guuldarro sideedii kulan ee ugu dambeysay ee horyaalka, waana in kabadan intii ay wajaheen 23-kii kulan ee ka horreeyay.
Warbixin ay soo saartay, Chelsea waxaa lagu yiri: “Tani waxay ahayd go’aan aad u adag, mana ahan mid milkiilaha iyo guddiga ay fudud ku gaareen.
“Waxaan uga mahadcelineynaa Frank wixii uu ku guuleystey waqtigiisii uu ahaa tababaraha kooxda.
Si kastaba ha noqotee, natiijooyinkii ugu dambeeyay iyo waxqabadkiisii ma aysan gaarin wixii ay kooxdu ka filaysay, taasoo keentay in kooxda ay ka dhacdo miiska sare ee horyaalka iyadoo aan lahayn waddo cad oo lagu hormarin karo.
“Marnaba ma jiri karto waqti fiican oo lagu kala tago halyeey kooxda sida Frank, laakiin ka dib falanqeyn dheer iyo tixgelin kadib waxaa la go’aamiyay in la badalo haatan si kooxda loo siiyo waqti ay ku horumariso qaab ciyaareedkeeda iyo natiijooyinkeeda xilli ciyaareedkan.”
Milkiilaha Roman Abramovich ayaa sheegay in heerka Lampard ee ah “astaanta muhiimka ah” ee kooxda inuu yahay ay tahay mid aan wali nusqaamin” inkasta oo shaqada laga cayriyay.
Abramovich ayaa yiri: “Tani waxay ahayd go’aan aad u adag oo kooxda ku saabsan, sababtoo ah waxaan la leeyahay xiriidh shaqsiyadeed oo aad u fiican Lampard aniga iyo Frank waxaa sii wadi doonaa ixtiraamka weyn ee no dhaxeeyay.
“Waa nin aad u daacad ah isla markaana leh akhlaaqda ugu sareysa ee shaqada. Si kastaba ha noqotee, duruufaha jira awgeed waxaan aaminsanahay inay ugu fiicantahay in la badalo tababare kasta oo aan guuleysan.”