Booliska dalka Hindiya ayaa waxaa la sheegay in dad banaanbaxaaal beeraley ah u adeegsadeen sunta dadka ka ilmaysiisa xilli ay ku banaanbaxayeen Caasimadda dalka Hindiya ee New Delhi.
Banaanbaxa oo aad u xooganaa ayaa dadka Beeraleyda ah oo watay cagaf cagafyo waxaa ay doonayeen inay la jaan qaadaan dabaaldegyada Maalinta Jamhuuriyadda Hindiya.
Sidoo kale banaanbaxayaasha ayaa dalbanayay in laga noqdo Saddex sharci oo beeraha ah oo sanadkii hore ay ansixisay xukuumada Ra’iisul Wasaare Narendra Modi.
Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in banaanbaxayaasha ay ka dhega adeegeen suntan loo isticmaalayay, iyaga oo sii watay banaanbaxa oo ay dowladda uga soo horjeedeen, halka booliska ay dadka u adeegsanayeen sunta dadka ka ilmeeysiisa.



