Shir looga hadlayay furitaanka Wadooyinka ay go,doomiyeen Shabaab oo Bakool ka dhacay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa kulan looga hadlayey Dar-Dar gelinta Xaqiijinta Amniga  la qaatay Saraakiisha Ciidanka xoogga.

Kulanka ayaa sidoo lale looga hadlay Dib ufurida Wadooyinka ay Go,doomiyeen Alshabaab ee Gobolka Bakool.

Kulanka Waxaa sidoo kale ka qeybgalay Wasiiru Dowlaha Arimaha Gudaha Dowlada Federaalka Mudane Aadan Abdinaasir Maxamed Wasiiro ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Lataliyaha Madaxweynaha Arimaha Siyaasada Mudane Aadan Maxamed Nuur (Soron-Soor) iyo Taliyaha Qeybta 60aad CXD General Maxamed Shekh Cusmaan Ciirow.

Madaxweyne Laftagareen ayaa ka dalbaday Saraakiisha Ciidanka in ay la yimaadaan qorshe wax looga qabanaayo go,doominta gobolka Bakool.