Xaliimo Yareey” Dowlad aan xalane laga xukumin aan sameysano”

Guddoomiyaha Guddiga  Madaxa Bannaan ee doorashoyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ( Xaliimo Yareey) ayaa sheegtay in dowlad goboleedyada dalka ay ku dhaqmaan Dastuur u gaar ah oo ay sameysteen, balse  ay sheegtay in uusan waafaqsaneyn Dastuurka dalka.

Waxaa ay sheegtay in qolo walba ay meel gaar ah u socoto, taasina ay dib u dhigeyso dowladnimada Soomaaliya oo haatan ah mid curdun ah, waxaana ay ku baaqday in siwadajir ah la isaga kaashado dhismasha dowlad loo dhan yahay.

Guddoomiyaha Guddiga  Madaxa Bannaan ee doorashoyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ( Xaliimo Yareey) oo hadal Maanta ka jeedisay Shirka sanadlaha ah ee Garsoorka dalka ayaa sheegtay in dalkaan uu u baahan yahay dowlad aan Xalane laga xukumin.

Hadalka Guddoomiyaha Guddiiga Guddiga  Madaxa Bannaan ee doorashoyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ( Xaliimo Yareey) ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli muran xoogan uu kajiro doorashooyinka dalka oo aan weli heshiis laga gaarin.