Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa maanta dib ugu soo laabatay Muqdisho ka dib markii maalmihii lasoo dhaafay uu ku sugnaa Garowe oo uu uga qeyb galay kulamo kala duwan.
Intii uu ku sugnaa Garowe waxa uu ka qeyb galay Shirar kala duwan, isagoo sidoo kale la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada.
Qoraal uu soo saaray markii kasoo laabatay Garoww ayaa siddaan u qornaa:
Mahadnaq ballaaran naga guddooma Reer Puntland.
Toban maalin oo aan joognay magaalada Garoowe kadib galabta ayaan Muqdisho ku soo laabannay.
Wuxuu noo ahaa safar aan wax badan ka faa’iidnay, waxaan kulamo gooni gooni ah la qaadannay madaxda iyo shacabka Puntland sida Madaxweyaha H.E Said Abdullahi Deni, Madaxweyne ku Xigeenka, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Wasiirro, Xildhibaanno, Odayaasha Dhaqanka, Bulshada Rayidka, Haweenka, Dhallinyarada iyo in ka badan 200 oo qof oo aan gooni gooni u gaari waynay oo habeenkii xalay ahaa kulan su’aalo waydiin ah yeelannay ayaga oo i waydiiyey su’aal kasta oo ku soo dhacday anne aan uga jawaabay si waafi ah oo lagu qancay.
Reer Puntland waxay ii muujiyeen waxaan ka filanaayey oo ah inay doonayaan qof dalka iyo dadka isku hayn kara, maamulkana daadejiya oo hirgeliya Dastuurka Fedaraalka ee Soomaali ku heshiisay. Waxaana u balan qaaday haddii aan madaxtooyada tago inaan noqon doono shakhsigi ay ku taamayeen.
SOMAALIYA LAGU NOOLAAN KARO ayaan higsanaynaa.






