Wararkii ugu dambeysay Qarax caawa laga maqlay Muqdisho

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax  Caawa  ka dhacay agagaarka Isgoyska KM-4 ee wadada maka Al-mukarama.

Qaraxaas ayaa waxaa la sheegayaa inuu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah, waxaana uu sigaar ah uga dhacay wadada aadan dhinaca Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Ilo Wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Risaala u xaqiijiyay in Qarax goobta uu ka dhacay ay maraayeen kolonyo uu la socday Agaasimaha Hay,addaha Socdaalka Dowladda Soomaaliya.

Agaasimaha ayaa ka badbaaday Qaraxa waxaana Wararka ay sheegayaan inuu jiro khasaare dhaawac ah oo soo gaaray dad Shacab ah.

Lamaaha Ammaanka dowladda Soomaaliya wali faahfaahin kama bixin Qaraxa oo ahaa mid laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho.