Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa in uu saacadaha soo socda magacaabo min laba xubnood oo Puntland uga mid noqonaya Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka.
Madaxweyne Deni, ayaa sidoo kale magacaabaya Guddi-hoosaadka heer Puntland oo Arrimaha Doorashada kala shaqayn doona Guddiga Doorashooyinka heer Federaal, sida ay xaqiijiyeen Ilo xog-ogaal ah.
Wararka sheegaya in haatan ay diyaar yihiin dhammaan xubnahaasi kala duwan, kadib markii xal rasmiya laga gaaray khilaaf saacadihii u dambeeyay ka taagnaa magacaabistooda.
Maamulada Jubbaland iyo Galmudug ayaa sidoo kale lagu waddaa in ay soo magacabaan xubnahaan.